Halyeeygii hore xulka Holland iyo kooxaha Real Madrid, Man United iyo PSV Ruud Van Nistelrooy ayaa talooyin yar siiyay Juventus ee ku aadan sida ay u joojin karaan wiilasha ay Barcelona ku duusho ee MSN.
Wiilasha Luis Enrique ayaa ah kuwa ugu cad-cad kulanka Berlin iyadoo loo xaglinayo awooda weerar ee ay wataan wiilasha ku bahoobay magaca MSN ee Messi, Suarez iyo Neymar kuwaas oo noqday sadexleyda weerar ee ugu goolasha badan hal xili ciyaareed.
“Waxaan helay sirta lagu joojin karo iyaga waana warbixin u fiican kooxda kasoo horjeeda” Ayuu yiri Nistelrooy.
“Waxey ila tahay in wadada lagu celin karo Messi, Suarez iyo Neymar ay tahay in la xiro dhamaan sideeda xidig ee kooxda waana inaad joojiso baasaska ayaga ka imaanaya”
“Marka Neymar, Messi iyo Suarez ay ka qeyb qaadanayaan shaqada kooxda waxey yeelanayaan weerarka ugu fiican aduunka”
Si kastaba Ruud Van Nistelrooy oo in ka badan 400 gool u dhaliyay kooxaha uu soo maray iyo xulkiisaba isla markaana ah shaqsiga afaraad ee ugu goolasha badan tartanka Champions League-ga ayaa fikirkaas qaba.
Dhanka kalana Ruud Van Nistelrooy ayaa la weydiiyay sadexdii xidig ee uu bah wadaaga quruxda badan la noqday waayahiisa kooxeed ee Real Madrid, Man United iyo PSV.
Nistelrooy ayaa Raul u doortay bah wadaagii ugu fiicnaa Real, halka Luc Nilis uu isna u ahaa bah wadaagii PSV ugu dambeyntiina Paul Scholes ayuu u doortay bahwadaagii ugu fiicnaa ee Man United.