FIFA ayaa soo saartay liis ka kooban 10-ciyaariyahan kuwaas oo ah xidigaha u sharaxan abaalmarinta PUSKAS Award ee la siiyo xidiga dhaliya goolka ugu qurxoon dunida sanad walba iyadoo lagu lifaaqo xafladda lagu bixiyo abaalmarinta Ballon d’OR.
Sanadii hore waxaa ku guuleystay Zlatan Ibrahimnovic oo ka tirsan kooxda Paris Saint Germain haatana wuxuu ku jiraa liiska xidigaha hogaaminaya abaalmarintaan.
Robin Van Persie ayaa sidoo kale ku jira kaas oo kusoo galay goolkii quruxda badnaa oo uu ka dhaliyay xulka Spain, kulankii ugu horeeyay koobka Aduunka groupka B kulan kusoo dhamaaday 5-1 oo ay ku badiyeen wiilashii Holland ee uu hogaaminayay xiligaas Louis Van Gaal.
Goolasha kale ee koobka Aduunka laga soo qaatay goolkii Tim Cahill oo Australia u ciyaara uu ka dhaliyay xulka Holland isla Groupka B, James Rodirguez ayaa gool ka dhaliyay Uruguay wareega 16-ka koobka Aduunka.
Kaliya hal gool oo laga dhaliyay horyaalka Ingiriiska ayaa soo galay waxaana dhaliyay Pajtim Kassami oo ka tirsanaa kooxda Fulham, wuxuuna ka dhaliyay Crystal Palace.
LIISKA MUSHARAXIINTA:
Tim Cahill –
18 June 2014, Australia v. Netherlands, 2014 FIFA World Cup™
Diego Costa –
23 November 2013, Atlético Madrid v. Getafe, Primera División (Spain)
Marco Fabian –
15 February 2014, Cruz Azul v. Puebla, 1a División 2014 Clausura (Mexico)
Zlatan Ibrahimovic –
19 October 2013, Paris St. Germain v. SC Bastia, Ligue 1 (France)
Pajtim Kasami –
21 October 2013, Crystal Palace v. Fulham, Premier League (England)
Stephanie Roche -
20 October 2013, Peamount United v. Wexford Youths, BEWNL (Rep.Ireland)
James Rodriguez –
28 June 2014 – Colombia v. Uruguay, 2014 FIFA World Cup™
Camilo Sanvezzo –
6 October 2013 – Vancouver Whitecaps v. Portland Timbers, MLS (USA/Canada)
Hisato Sato –
8 March 2014 – Sanfrecce Hiroshima v. Kawasaki Frontale, J.League (Japan)
Robin van Persie –
13 June 2014 – Spain v. Netherlands, 2014 FIFA World Cup™