Home » Maxaa Cusub » Ryan Giggs Oo Difaacay Raheem Sterling Sidoo Kalena Hadal Culus Ku Riday Liverpool!

Ryan Giggs Oo Difaacay Raheem Sterling Sidoo Kalena Hadal Culus Ku Riday Liverpool!


Ryan

Macalinka labaad ee kooxda Man United Ryan Giggs ayaa ka dhawaajiyay in Raheem Sterling uusan u qalmin in la dhaliilo waayo xidigan dhalinta yar kulankii ugu dambeeyay oo ay xulka England cayaareen ayuu dalbaday in la nasiyo.

Dabcan codsigii Sterling ayaa lagu kala aragti duwanaaday waxayna qaar u aragteen inuusan daacad u ahayn xulka England.

Hadaba Giggs ayaa difaacay wiilkan dhalinta yar wuxuuna yiri “Xaalka uu dhib badan yahay marka aad yar tahay, sida darteed Raheem kuma qaldano inuu nasiino nasto waayo asigoo aad u dhalin yar ayaa culees heer naadi iyo heer qaranba saaran yahay”

“Shaki kuma jiro Raheem inuu yahay xidig xirfadiisa aad u sareyso sidoo kalena ay dartiisa dadka garoonka usoo galaan si ay qaab cayaareedkiisa wanaagsan u daawadan anigana waan la dhacsanahay hormarka uu sameeyay”

“Balse nasiib daro waa laacib Liverpool ka tirsan oo ah kooxda aan aduunka neceb nahay!”

“Waan hubaa inuu Sterling jecel yahay cayaarista todobaad walbo sidaa darteed uma qalmo in si adag loo dhaliilo”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>