Kooxda Al Sadd ee dalka Qatar ayaa miiska u saartay halyeyga kooxda Barcelona Xavi Hernandez heshiis aan indhaha laga qarsan karin kadib markii ay u sheegtay iney diyaar u tahay heshiis 7-sano ah iney la gaareyso.
Inkastoo aan la shaacin lacagaha xidigaan uu heli doono, hadana qorshaha Al Sadd ay wado ayaa ah in Xavi uu sadexda sano ee ugu horeysay uu u ciyaari doono ciyaariyahan ahaan halka afarta sano ee ka haray heshiiskana uu safiir u noqon doono kooxda.
Inkastoo Xavi Hernandez uusan wali go’aan ka qaadan mustaqbalkiisa Barcelona, hadana ma cada inuu dalabkaan aqbali doono madama Luis Enrique oo saaxiib dhaw la ah uu jeclaan lahaa inuu sanadka ka haray qandaraaskiisa sii joogo Bulgarana.
Sidoo kale dooqa kale ee u furan Xavi ayaa ah horyaalka mareykanka oo ay uga sii horeeyaan xidigaha Raul, Kaka, David Villa iyo xidigaha reer England Lampard iyo Gerrard oo dhawaan tagi doona.