Sida ay qoreen warbaahinta talyaaniga kooxaha Juventus, SS Lazio iyo As Roma ayaa ku dagaalamaya saxiixa weerayahanka u muuqda inuu ka tagi doono Man United ee Robin Van Persie.
Kabtanka Holland ayaa xili ciyaareed xun ku qaatay Old Trafford wuxuuna shabaqa gaaray kaliya 10-jeer, 27-kulan oo uu saftay inkastoo ay dhaawacyo hareeyeen.
Sida la rajeynayo RVP wuu ka tagi doonaa Man United waxaana saxiixiisa doonaya iney ka faa’ideystaan kooxaha ugu sareya horyaalka talyaaniga.
RVP sanadii 2012-ka wuxuu ku dhawaaday inuu ku biiro Juventus, balse wuxuu ugu dambeyntii ku biiray kooxdii Man United oo uu hogaanka u hayay Sir Alex Ferguson.
Roma ayaa aad ugu baahan weeraryahan heer sare ah madama Destro uu doortay Milan, halka Doumbia uu la qabsan la’yahay Serie A-da, waxaana intaas sii dheer in Totti uu sii duqoobayo.
Ugu dambeyntiina Juventus ayaa sidoo kale xidigaan dib usoo rogaal celisay xiisahii ay u qabtay RVP, inkastoo warbixino qaar ay sheegayaan in Paulo Dybala ay goor hore heshiis la gaartay.