Ka hor kulanka maanta ay wada cayaari doonaan kooxaha West Ham United iyo Man United waxaa saxaafada la hadlay tababare Sam Allardyce oo si lama filaan ah dagaal dhanka maskaxda ah ugu qaaday dhigiisa Luis Van Gaal.
Sam Allardyce oo la hadlaayay London Evening Standrard wuxuu yiri “United kaliya hal kulan ayaa laga badiyay laga soo bilaabo 2-November ee sanadkii tagay, balse waxaan la yaabanahay dhaliisha joogtada ah ee daafacooda loo soo jeediyo”
“Inkastoo dadaal fiican ay sameeyeen hadana kaliya 3-dhibcood ayay ka sareeyaan isla kooxdii uu sanadkii hore David Moyes macalin u ahaa sidaa darteed United wax isbadal muuqdo ah ma sameynin”
“Luis Van Gaal marar badan wuxuu ka hadlay falsafada uu adeegsado, balse aniga ma arko shax uu si gaar ah ugu fiican yahay madaama uu todobaad walbo kooxdiisa isbadal ku sameeyo”
“Mararka qaar 4-difaac ayuu cayaaraa, halka markalena uu 3-difaac cayaaro waxaaba kasii daran inuu qaybta dambe xitaa uu mararka qaar shaxdiisa badalo”
“Ma aqaan shaqada uu haatan Man United ka haayo marba hadii uusan weli saxin ama ku kalsooneyn nidaamka ku haboon ee uu kooxdiisa ku hogaamin karo!”