Home » Horyaalada » La Liga Spain » Sami Khedira Oo Dhibaatada Real Madrid Kusii Kordhiyay Madaama Uu Garoomada Dhaawac Kaga Maqnaan Doono

Sami Khedira Oo Dhibaatada Real Madrid Kusii Kordhiyay Madaama Uu Garoomada Dhaawac Kaga Maqnaan Doono


sami

Kooxda Real Madrid oo haatan xaalka kusii xun yahay waxaa niyad jab kale kusii riday Sami Khedira oo la xaqiijiyay dhaawaca soo gaaray inuu sabay mudo inuu garoomada ka maqnaado.

Xidiga reer Jarmal dhaawac dhanka seedka ah iyo muruqa hoose ayaa soo gaaray wuxuuna haatan garoomada ka maqnaan doonaa ugu yaraan mudo sedex todobaad ah.

Khedira qaybtii hore ayaa la badalay kulankii Real Madrid la cayaartay kooxda Atletico Madrid bilawgii todobaadkan waxaana soo baxday haatan aqbaar uusan ku farxin macalin Carlo Ancelotti madaama Real kulamo adag kusoo fool leeyihiin.

Khedira 18-bilood ee ugu dambeesay dhaawac joogto ah ayuu ka bixi la’yahay wuxuuna kooxdiisa Real Madrid u saftay kaliya 16-kulan xili cayaareedkan.

Real Madrid waxaa horey dhaawac kaga maqnaayeen xidigaha Sergio Ramos, Pepe, James Rodriguez iyo Luka Modric waxayna kooxdan haatan ku sugan tahay xaalad aad u xun waayo kulankeedii ugu dambeeyay waxaa jab xoogan dhabarka u saarisay naadiga Atletico Madrid.

Hadaba Real Madrid side uga soo kaban kartaa dhaawacyada ay ka qabaan xidigaheeda muhiimka ah waxaana todobaadka dambe la amba qaadi doonaa koobka horyaalada Yurub oo ay kooxdan dooneyso inay difaacato tartanka Yurub.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>