Xidiga reer Jarmal ee lagu iloobay kursiga keydka Sami Khedira ayaa u mahad celiyay taageerayaasha Real Madrid sidoo kalena ku wargaliyay inuu garoonka Bernabue isaga hayaami doono laga bilaabo 1-bisha June oo ah xiliga qandaraaskiisa ku egyahay.
Sami Khedira sanadii 2010 ayuu Real Madrid kusoo biiray xidigan mudada 5-sano ah ee uu ku sugan yahay caasimada Spain Madrid wuxuu la qeebsaday guulo badan asigoo la qaaday La Liga, Copa del Rey, Champions Leaue iyo tartamo kale.
Wuxuuna yiri “waxaan u mahad celinayaa taageerayaasha Real Madrid mana sii joogi doono xarunta Valdedebas”
“Sidoo kale marnaba ma iloobi doono waqtigii aan la qaatay saaxiibadeyda aan in mudo ah Madrid ka wada tirsaneyn”
“Balse talaabo mustaqbalka keyga u gaar ah ayaan qaaday waxaana Real Madrid u rajeynaa guul iyo hormar”
Sami Khedira ayaa lumiyay booskiisii Real Madrid kadib markii uu xidigan diiday inuu heshiis cusub qalinka ku duugo.
Ilaa haatan si rasmi ah uma uusan sheegin kooxda uu ku biiro doono inkastoo afka lagu haayo inuu Schalke heshiis la gaaray xidigan xulka Jarmalka ka tirsan.