Home » Horyaalada » La Liga Spain » Sami Khedira “Waa Arin Igu Dhib Ah Inaan Madrid Ka Tago Xagaagan”

Sami Khedira “Waa Arin Igu Dhib Ah Inaan Madrid Ka Tago Xagaagan”


Sami Khedira

Sami Khedira oo dhamaadka xili cayaareedkan qandaraaskiisa ku eg yahay sidoo kalena la hubo inuu kooxdiisa Real Madrid isaga tagi doono ayaa sheegay in arinkaas ay dhib ku tahay.

Madaama mudo ka badan 5-sano uu caasimada Spain ku sugan yahay sidoo kalena uu kooxdiisa la qaaday koobab fara badan wuxuu Sami ka dhawaajiyay in nafsad ahaantiisa uusan ku faraxsaneyn inuu garoonka Bernabue isaga tago.

“Aadban u jeclahay Real Madrid sidoo kalena waa arin igu dhib ah inaan Madrid ka tago”

27-jirkan oo la hadlaayay Marca wuxuu yiri “Wax walbo ayaan u sameyn doonaa Madrid ilaa maalinta ugu dambeyso qandaraaskeyga wax shaki ah kama taagno inaan Madrid nafteyda u huri doono inta ka harsan xili cayaareedkan”

Sami Khedira ayaa lagu wadaa inuu dib ugu laabto Bundesligaha Jarmalka waxaana la sheegay in xidigan uu heshiis hordhac ah la gaaray naadiga Schalke 04 oo u balan qaaday mushaar aad u sareeyo iyo in laga dhigo hogaamiyaha kooxdan hormarka sameeneesay sanadihii ugu dambeeyay.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>