Home » Maxaa Cusub » Samir Nasri “Man City Waa Inay Hurdada Ka Kacdaa Hadii Kale Meel Xun Ayaa Inoo Dambeyn Doonto!”

Samir Nasri “Man City Waa Inay Hurdada Ka Kacdaa Hadii Kale Meel Xun Ayaa Inoo Dambeyn Doonto!”


Samir-Nasri-Manchester-City-MCFC-City-556930

Samir Nasri ayaa qirtay in kooxdiisa Man City haatan xaalka ku xun yahay sidoo kalena hada kadib uusan isku mashquulin doonin sidii ay naadiga Chelsea kusoo qaban lahaayeen.

Nasri ayaa ka xun in kooxdiisa ay hurdo gashay xili Premiership-ka uu meel xasaasi ah maraayo sidoo kalena ay haatan dhibco badan ka hooseeyaan kooxda Chelsea.

“Waa inaan hurada ka kacnaa sidoo kalena aan qabanaa shaqo wanaagsan ka hor inta uusan waqtiga naga dhamaanin”

“Chelsea ma ahan koox dhibco badan lumineyso sidii sanadkii hore Liverpool sameesay oo kale”

“Chelsea waa koox awood badan sidoo kalena heesato daafac aad u wanaagsan sidaa darteed marnaba masoo qaban karno hadii aan sidaan kusii sugnaano”

“Waa inaan isku mashquulinin kaliya sidii aan kusoo qaban laheyn Chelsea sidoo kale waa muhiim inaan booskeena ilaashano waayo haatan waxaa kaabiga nagu soo hayaan Man United iyo Southampton”

Nasri ayaa sidoo kale sheegay in kooxdiisa uusan nasiibka haatan ka hiilinin balse loo baahan yahay inay dadaalka laba laaban madaama kulamo adag kusoo fool leeyihiin.

Ugu dambeyntii xidiga reer France ayaa walaac xoogan ka muujiyay kulanka ay arbacada kooxdiisa la cayaari doonto naadiga Stoke kana tirsan Premiership-ka England madaama kulankan lagu cayaari doono garoonka kooxda Stoke oo ah meel dhib badan.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>