Kubad sameeyaha kooxda Arsenal Santi Cazorla oo la hadlaayay wargeska Marca ayaa ku booriyay xidiga ay isku dalka yihiin Iker Casillas inuu xagaagan garoonka Emirates usoo dhaqaaqo.
Cazorla oo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “waxaa jiraan warar la isla dhex maraayo oo sheegayo in Casillas uu Arsenal imaan doono”
“Waa arin wanaagsan waxaana ku boorin lahaa inuu Emirates xagaagan imaado waaba hadii ay kooxdiisa Real Madrid fasaxeyso”
Cazorla ayaa sababeeyay waxa uu goolhayaha reer Spain Arsenal kusoo kordhin karo wuxuuna yiri “Arsenal waa naadi awood badan balse waxaa ka dhiman goolhaye waaya arag ah sida Iker oo kale”
“Waxaan hubaa inuu daafaca kooxda xasilooni dheeri ah siin karobalse aniga ma hubo inuu xagaagan Real Madrid kasoo dhaqaaqayo”
“Waayo go’aankaas waa mid isaga iyo kooxdiisa ka dhaxeeyo inkastoo aan ka hadla kaliya wararka haatan suuqa lagu hayo”