Qaab ciyaareedka Ronaldo ee sanadkaan 2015 ayaa hoos u dhac uu ku yimid waxeyna arintaan keentay in lala barbardhigo Olivier Giroud oo ah xidig ka tirsan kooxda Arsenal.
28-jirkaan reer France ayaa ku jira waqti qurux badan isagoo soo laabashadii Mesut Ozil kadib dhaliyay 9-gool, 9-kulan oo uu saftay, taasoo ka dhigan inuu 11-gool dhaliyay sanadka 2015.
Dhanka kale Cristiano Ronaldo oo ah xidiga difaacanaya abaalmarinta Ballon d’Or, ayaa ka hoos maray Lionel Messi oo ay xifaaltamaan kaas oo isna sare u kac baahsan sameeyay sanadkaan.
Hadaba sida lagu muuqata Olivier Giroud ayaa ka goolal badan Cristiano Ronaldo sanadkaan 2015.
In la yiraahdo Olivier Giroud ayaa ka fiican Cristiano Ronaldo waa kaftan, balse waxaan kaliya dhihi karnaa Olivier Giroud oo ka waxqabad wanagasan Cristiano Ronaldo sanadkaan 2015.