Macalinka cusub ee Madrid Rafael Benitez ayaa booqday Valdebebas oo ah xerada tababarka koxda isagoo halkaas kula kulmay macalinka kooxda da’yarta ee Zidane.
Benitez ayaa dib ugu soo laabtay Spain 11-sano kadib wuxuuna xiligaas laba horyaal oo xiriir ah u qaaday kooxda Valencia oo haatan ku dhameysatay booska afaraad ee horyaalka.
Rafael Benitez haatan wuxuu heshiis sadex sano ah u saxiixay Madrid iyadoo lagu wado in maanta galinka dambe lasoo bandhigo waxaana uu kooxda sii joogi doonaa ilaa June 2018.
Benitez 20-sano kadib ayuu dib ugu soo laabtay Real Madrid wuxuuna booqday sido kale xafiiska uu ku shaqeynayo mudada uu Madrid joogo.