Weeraryahanka Kooxda Manchester City Steven Jovetic ayaa kasoo dagay Magaalada Milano ee dalka talyaaniga iyadoo la rajeynayo inuu maanta caafimaadka u maro kooxda Inter Milan.
Xidigaan reer Montanegro ayaa heshiis laba sano amaah ah ugu wareegi doona kooxda ka dhisan garoonka Sansiro iyadoo heshiiska maanta lagu dhawaaqi doono marka uu ka gudbo tijaabada caafimaad.