Caawa waxaa magaalada Turin ka dhici doona kulan miisaan culus ku leh qaarada yurub kaas oo dhexmari doona kooxaha Juventus iyo Real Madrid kaas oo ka tirsan Semi Finalka Koobka Horyaalada Yurub ee Champions League.
Real Madrid waa koxoda difaacaneysa tartanka waxeyna xusul duub ugu jirtaa iney ku guuleysato markii 11-aad taariikhda iyo markii labaad oo xiriir ah oo ah taariikh ugub ku ah tartankaan tan iyo markii magacaan la bixiyay.
Juventus ayaa soo gaartay Semi Finalka koobkaan markii ugu horeysay mudo 12-sanadood ah waxaana ay kaga mahad celinayaan Allegri oo ku guuleystay inuu sidaas sameeyo.