Xulka Jarmalka oo isbedel weyn ku sameeyay line-upkooda ayaa 1-0 ku dubtay xulka England oo marti loogu ahaa Wembley, waana guuldaradii labaad ee soo gaarta labadii kulan ee saaxiibtinimo ee ay ciyaareen muddo isbuuc gudaheed ah.
Xulka qaranka Jarmalka ayaa ku soo galay line-up aad uga duwan midka inta badan lagu yaqaano iyadoo tababare Joachim Low uu tijaabsanayay ciyaartoy badan ka hor Koobka Adduunka.
Germany ayaana 1-0 ku dubatay England oo sidoo kale dhawaan guuldarro 2-0 kala kulantay xulka Chile oo sidoo kale ay kula ciyaareen Wembley.
Goolka ay ku badisay Germany waxaa qeybtii hore u saxiixay daafaca Arsenal Per Mertesacker. Goolkaas ayaana ugu filnaa in macalin Low uu guul kala hoydo London.
England ayaana xitaa hal darbo la helin goolka intii ay socotay ciyaarta oo dhan, waana markii ugu horeysay oo ay sidaasi ku dhacdo muddo 14 sanadood ah iyadoo ku ciyaareysa gurigeeda.
England ayay sidoo kale u tahay markii ugu horeysay muddo 36 sanadood ah oo looga badiyo labo kulan oo isku xigta gurigooda.
England: Hart, Walker, Jagielka, Smalling, Cole (Gibbs 53), Gerrard (Henderson 56), Cleverley (Wilshere 64), Townsend, Rooney (Barkley 71), Lallana (Lambert 76), Sturridge
Germany: Weidenfeller, Westermann (Draxler 67), Mertesacker, Boateng (Hummels 45) (Howedes 65), Schmelzer (Jansen 45), Lars Bender, Sven Bender, Götze, Kroos, Reus (Schurrle 82), Kruse (Sam 56)
Waxaa Aqrisay: (412)
Mogadishu - Somalia