Macalin David Moyes kulankiisii kowaad La Ligaha Spain dhibic ayuu u horseeday kooxdiisa cusub Real Sociedad kulan ay 0-0 la galeen naadiga Deportivo.
Macalinkan horey u leylin jiray kooxaha Everton iyo Man United ayaa dhawaan aqbalay shaqada kooxda Real Sociedad oo haatan kaalimaha hoose kaga jirto La Ligaha Spain.
Moyes kulankiisii ugu horeeyay ayay durba saxaafada dalka Spain daba dhigteen madaama ay soo bandhigeen macalinkan oo ka jeexmay sarwaalkiisa.
Moyes ayaa awoodi waayay inuu iska badalo sarwaalka ka jeexmay madaama cayaarta socotay sidoo kalena uu wuxuu muhiim u arkay inuu shaqadiisa sii wato halka uu ku mashquuli lahaa sarwaalka ka jeexmay.
Balse saxaafada Spain ayaa sawiro badan ka qaaday macalinkan soona bandhigtay sarwalkiisa oo jeexan inkastoo sawirada lagu faafiyay Facebook iyo Twitter hadana macalin Moyes kama uusan hadlin arinkan.