Saxaafada dalka England ayaa sheegtay in weeraryahanka kooxda Man City Sergio Aguero uu xagaagan ku biiri doono kooxda Real Madrid.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in Madrid ay xidiga reer Argentina ku iibsa doonto €90m waana qiimo lacageed oo aysan Man City diidi karin.
Madrid ayaa xidigan kusoo jiidaneyso balan qaad ah inay hormar ka sameyn karto koobka horyaalada Yurub madaam sanadihii ugu dambeeyay kooxdiisa Man City awoodi weesay inay qaybaha ugu dambeeyo koobka Yurub soo gaarto.
Los Blancos ayaa doonayo inay Aguero keento garoonka Bernabue si uu ula tartamo arim Benzema oo kali ku ah hogaanka dhanka weerarka kooxda reer Spain waayo Javier Hernandez ayaa ku fashilmay inuu waxqabad la imaado xagaagan.
Aguero sanadii 2011 ayuu ku sigtay inuu Real Madrid ku biiro xili uu ku sugnaa Atletico Madrid balse markii dambe Man City ayuu ka mid noqday asigoo tixgalinaayay kooxdiisii hore Atletico.
Balse xagaagan ma jirto qof ka hor istaagi doono inuu Real Madrid ugu soo dhaaqaao lacago aad u qiimo sareeyo.