Home » Horyaalada » italian Serie A » Saxiixa Cusub Ee AC Milan Luiz Adriano Oo Ku Faraxsan Inuu Mustaqbalkiisa Cayaareed Kasii Wato San Siro

Saxiixa Cusub Ee AC Milan Luiz Adriano Oo Ku Faraxsan Inuu Mustaqbalkiisa Cayaareed Kasii Wato San Siro


Adriano

Weeraryahanka reer Brazil Luiz Adriano oo ay dhawaan kooxda AC Milan kasoo iibsatay naadiga Shakhtar Donetsk ayaa saxaafada la hadlay markii ugu horeesay ee uu tababarka Milan soo xaadiray.

Luiz Adriano wuxuu yiri “Waan ku faraxsanahay inaan halkaan imaado waxaana sugi la’ahay bilaabashada xili cayaareedka cusub”

“Jir ahaan waan diyaarsinahay madaama aan tababar gaar ah dalka Brazil ku sameenayay todobaadyadii ugu dambeeyay”

“Sidoo kalena waxaan u hanqal taagayaa la shaqeynta macalin Sinisa Mihalovic oo igu dhiiri galiyay inaan Milan usoo dhaqaaqo”

“Wax walbo ayaan u sameyn doonaa sidii aan maaliyada Milan meel sare u gaarsiin lahaa sidoo kalena dhaqan ahaan xidigo wacan oo reer Brazil ah ayaa maaliyada Milan soo xirteen”

“Sidaa darteed farxad ayay ii tahay ka mid noqoshada Milan iyo inaan garoonka San Serio mustaqbalkeyga cayaareed kasii wadan doono”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>