Weeraryahanka xulka England Raheem Sterling ee dhawaan kooxda Man City 49-milyan oo pound kaga soo qaadatay naadiga Liverpool ayaa ka dhawaajiyay inuu ka xun yahay siduu uu garoonka Anfield kaga soo tagay.
Raheem Sterling ayaa markii ugu horeesay qirtay inuu qalad weyn galay qaabkii uu Liverpool ugu qasbay inay naadiga Man City kaga iibiso wuxuuna yiri.
“Waan ka xumaaday sidii aan Anfield ooga soo tagay, waa arin dhib badan sidii aan Liverpool ku kala tagnay mana ila wanaagsano”
“Balse dhamaan xidigaha kooxda, maamulka iyo macalin Rodgers kuli xiriir wanaagsan ayaan la leeyahay waxaana u rajeynaa guul wacan xili cayaareedka cusub”
“Laakiin xaqiiqdii aadban uga niyad jabsanahay sidii aan Liverpool kaga soo tagay waxaa fiicneyd si wanaagsan ku dheehan inaan ku macsalaameeyo”
Raheem Sterling ayaa markii ugu dambeesay diiday inuu kooxdiisii hore Liverpool tababarka la qaato taasi oo sababtay inuu dhaliil kala kulmo qof walbo oo ehel u ah kubada cagta.
Waxayna Liverpool go’aan ku gaartay inay si dhaqsi ah weeraryahankan dhainta yar naadiga Man City kaga iibiso.