Bastian Schweinsteiger wuxuu ka mid ahaa xidigaha fara ku tiriska ah ee qaarada Yurub ku sugan kuwooda hal naadi mustaqbalkooda cayaareed u hibeeyeen.
Hadaba laacibkan waaya araga ah isbadal lama filaan ah ayuu sameeyay wuxuuna heshiis 3-sano ah u saxiixayo kooxda Man United aisgoo doonayo sanadaha kaga harsan musatqbalkiisa cayaareed inuu garoonka Old Trafford kusoo gaba gabeeyo.
Sidaa darteed waxaan idiin heynaa 30-jirkan khadka dhexe qabiirka ku ah koobabka caalamiga ah ee uu ku guuleestay mudada 14-sano ah ee uu kubada heerkeeda ugu sareeyo cayaarayo.
Fadlan hoos kaga bogo Bastian iyo koobabka uu calaf u yeeshay heer naadi iyo heer qaran:
Kooxdiisa Bayern Munich wuxuu kula guuleestay:
Bundesliga wuxuu ku guuleestey 8-jeer (2003, 2005, 2006, 2008, 2010, 2013, 2014, 2015)
German Cup wuxuu ku guuleestay 7-jeer (2003, 2005, 2006, 2008, 2010, 2013, 2014)
League Cup wuxuu ku guuleestay 2-jeer (2004, 2007)
German Super Cup wuxuu ku guuleestay 2-jeer (2010, 2012)
UEFA Champions League wuxuu ku guuleestay 1-jeer (2013)
European Super Cup iyo FIFA Club World Cup min 1-jeer ayuu ku guuleestay oo ah (2013)
German Player of the Year ama laacibka ugu wanaagsan dalka Jarmalka 1-jeer ayuu ku guuleestay 2013
Halka FIFA World Cup uu xulkiisa Jarmalka la qaaday xagaagii hore (2014)