Home » Maxaa Cusub » Schneiderlin Oo Furtay Akoonkiisa Goolasha United Xili Manchester Ay Guul Dirqi Ah Ka Gaartay Club America (+Sawiro)

Schneiderlin Oo Furtay Akoonkiisa Goolasha United Xili Manchester Ay Guul Dirqi Ah Ka Gaartay Club America (+Sawiro)


International Champions Cup 2015 - Club America v Manchester United

 

Manchester United ayaa guul ku bilowday kulamadeeda fasaxa ka hor bilowga xagaaga 2015-2016 kadib markii ay guul ka gaartay aan sidaas u weyneyn kooxda Club America ee dalka Mexico.

Louis Van Gaal ayaa adeegsaday 22-ciyaariyahan kuwaas oo kala saftay labadii qeyb ee ciyaarta waxaana kulankaan dhaawac ku seegay David De Gea iyo Antonio Valencia.

Man United kaliya 1-gool ayey ku dubatay Club America waxaana goolkaas dhaliyay saxiixa cusub ee kooxda Morgan Schneiderlin kaas oo daqiiqadii 5-aad dhaliyay madax lama filaan ah.

Depay ayaa kusoo bilowday boos uusan wali ciayarin wuxuuna ciyaaray numberka 10-aad isagoo ka dambeeyay Wayne Rooney waxaana labada garab ciyaaray Mata iyo Young iyadoo Morgan uu dhexda wadaag kula ahaa Carrick, shaxda uu Van Gaal isticmaalay qeybta hore waxey aheyd 4-2-3-1.

DAAWO SAWIRADA:

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>