Home » Maxaa Cusub » Scholes “Waxaad Moodaa In Di Maria Uusan Faraxsaneyn!”

Scholes “Waxaad Moodaa In Di Maria Uusan Faraxsaneyn!”


Angel

Halyeegii hore ee kooxda Man United Paul Scholes ayaa ka dhawaajiyay arin aan farxad galin doonin taageerayaasha Man United madaama uu sheegay in Angel Di Maria uusan haatan ku faraxsaneyn ku sugnaanshaha garoonka Old Trafford.

Di Maria xagaagan ayuu Man United kusoo biiray waxayna kusoo iibsatay €75 million ilaa haatan si wacan ayuu EPL uga dhex muuqdaa madaama uu United u dhaliyay 4-gool asigoo u saftay 8-kulan, balse Scholes arinkale ayaa u muuqdo.

“Waxaa ii muuqato in Di Maria uusan ku faraxsaneyn joogitaanka Man United waayo kama arko farxadii iyo dhool cadeyntii markii uu Real Madrid joogay sidoo kalena ay garbihiisa buuxin jireen Cristiano Ronaldo iyo xidigaha Real Madrid”

“Walaaca aan qabo ayaa ah in Di Maria uusan ku qanacsaneyn xidigaha garoonka haatan la galaan sidaa darteed Man United waxaan usoo jeedin lahaa inay laacibiin tayo wanaagsan laso saxiixato si ay Di Maria kubad qurxoon ula cayaaraan sidoo kalena uu xidigan farxad dareemo”

Man United haatan kaalinta 10-aad ayay EPL fadhisaa waxayna kooxdan cayaartay 10-kulan ilaa haatan hadaa hadalka Scholes uu ka dhawaajiyay ma yahay mid sax ah!

One Response to Scholes “Waxaad Moodaa In Di Maria Uusan Faraxsaneyn!”

  1. hanad cali Reply

    November 8, 2014 at 1:25 am

    maya sax mahan dimaria wuu ku qanc san yahy old trafford inbdn wuuna kusoo laban donaa wadada guusha berito

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>