Naadiga hogaamineyso Bundesligaha Jarmalka Bayern Munich ayaa u safartay dalka Portugal ayadoo ay ka maqan yihiin labo xidig oo muhiim u ah Bastian Schweinsteiger iyo Franck Ribery.
Labadan laacib ma safan doonaan kulanka Bayern arbacada la cayaari doonto naadiga FC Porto wareega 8-aad Champion-ka madaama aysan waqti ku filan heesanin inkastoo ay kasoo kabteen dhaawacyadii ay qabeen.
Macalin Pep Guardiola ayaa rajo weynaa in Ribery iyo Bastian ay kulankan adag safan karaan balse tijaabadii caafimaad ee laga qaaday ayay ku guul dareesteen sidaa darteed magaalada Munich ayaa looga tagay.
Agaasimaha Bayern Matthias Sammer oo ka hadlaayo maqnaanshaha labdan xidig wuxuu yiri “Bastain iyo Franck kulanka Porto ma cayaari karaan waana arin xun”
“Balse kalsooni buuxdo ayaan ku qabnaa xidigaheena kale qof walbaa wuuu ka warqabaa xaalada ay kooxda ku sugan tahay iyo baahida aan u qabno inaan koob walbo meel fiican ka gaarno”
Sidoo kale Bayern kulankan waxaa ka maqnaan doonaan xidigaha kala ah Arjen Robben, David Alaba iyo Javi Martinez.
Balse Jerome Boateng ayaa kasoo kabtay jugtii uu qabay sidoo kalena Claudio Pizarro dhaawac mudo dheer ayuu kasoo laabtay halka Xabi Alonso uu cayaari karo kadib ganaax uu soo dhameestay.