Da’yarka kooxda Barcelona Sergi Samper ayaa helay fursad la mid ah Hector Bellerin sanadii 2011, taasoo aheyd inuu fursad u helay tababar uu la qaato kooxda Arsenal, Bellerin ayaa ogolaaday inuu u dhaqaaqo kooxda ka dhisan waqooyiga London halka Sergi Samper uu ku gacan seyray.
El Confidential ayaa shaacisay in todobaadkii lasoo dhaafay Wenger uu soo rogaal celiyay xiisaha xidigaan da’da yar isagoo 8.5 Malyan Oo Pound ku doonaya, balse Samper ayaaba aaminsan inuu is gafsiiyay fursad uu ku hormari lahaa.
Hector Bellerin haatan waa safka hore kooxda Arsenal waana xidigii ay sida isku midka ah fursada u heleen balse garabka midig ee Gunners haatan wuxuu qaatay xiligaas go’aankii noloshiisa iftiimiyay.
Sergi Samper haatan aad ayuu ugu farxi lahaa inuu Arsenal ku biiro, walow sheekada ay baahisay El Confidential ee ah in Wenger uu doonayo aain la ogeyn sida ay run u tahay.
Ugu dambeyntii 20-jirkaa heerka caalami wuxuu haatan jeclaan lahaa inuu Arsenal ku biiro, si uu u raaco wadada Hector Bellerin.