kadib markii Sergio Aguero uu todobaadkan kooxdiisa Man City u suura galiyay inay guuleesato Manchester Derby xidigan tayada wanaagsan ayaa aaminsan in kooxdiisa ay soo qaban karto kooxda Chelsea oo haatan hogaamineyso horyaalka England.
“Cheslea haatan jawi wanaagsan ayay ku jirtaa sidoo kalena guulo isbada joog ah ayay gaareysaa balse waan hubaa inay markooda dhibco lumin doonaan”
“Todobaadka Liverpool ayay la cayaari doona aanu wada sugno hadii kulankan ay dhibco lumin karaan balse muhiimada waxay tahay inaan kulan walbo guuleesano markaas waan hubaa inaan Chelsea soo qaban karno”
Man City haatan waxay 6-dhibcood ka hooseysaa naadiga Chelsea oo horyaalka England hogaamineyso balse Sergio Aguero ayaa aaminsan in xili cayaareedka uu fog yahay sidoo kalena ay difaacan karaan EPL
“Xili cayaareedkii hore marnaba inooma suura galin inaan kulamo badan hogaank heyno balse xili xasaasi ah ayaan hogaanka la wareegnay kadibna wan ku guuleesanay EPL sida darteed waan ku kalsoonahay in xidigaha kooxdeena ay bandhig wanaagsan muujin karaan”
“Madaama 28-kulan horyaalka ka harsan tahay maxaa diidayo inaan si awood ku dheehan u difaacano EPL inkastoo Chelsea aan sanadkan loolan culus kala kulmi doono”