Home » Maxaa Cusub » Sergio Aguero Oo Doonayo Inuu Ku Guuleesto Abaal Marinta Cayaaryahan Walbo Ku Riyoodo

Sergio Aguero Oo Doonayo Inuu Ku Guuleesto Abaal Marinta Cayaaryahan Walbo Ku Riyoodo


Aguero

Weeraryahanka kooxda Man City iyo xulka Argentina Sergio Aguero ayaa aaminsan inuu u qalmo hanashada abaal marinta cayaaryahan walbo ku riyood.

Sergio Aguero ayaa ka dhawaajiyay inuu hadaf weyn ka dhigin doono sidii uu Ballon d’Or ugu guuleesan lahaa sanadaha nagu soo fool leh.

Asigoo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Xaqiiqada waxay tahay inaan jeclahay hanashada Ballon d’Or inkastoo xili cayareedkan kulamo badan seegay hadana bandhig wanaagsan ayaan sameeyay”

“Waxaan doonayaa inaan sida Ronaldo oo kale noqdo kuna guuleesto Ballon d’Or sidoo kalena waxaan jeclaan lahaa inaan noqdo xidigaha ka cayaaro EPL midka ugu horeeyo ee biladaan hanto”

Dhanka kale xidigan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ka mid ahaanshaha kooxdiisa Man City sidoo kalena uu lasii joogi doono.

“Sanad walbo marka uu suuqa Yurub furan yahay kooxo kala duwan ayaa la iila xariiriyaa balse xaqiiqada waxay tahay inaan ku faraxsanahay garoonka Etihad”

“Sidoo kalena kooxdeyda Man City ayaan lasii joogi doonaa mana ka tagi doono xiligan iyo xili u dhow madaama aan qandaraas dheer kula jiro”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>