Weeraryahanka reer Argentina Sergio Aguero ayaa muujyiyay in sanadkan aan lagu heesanin gool dhalinta horyaalka England kadib markii uu sedexley ka dhaliyay naadiga QPR.
Man City ayaa kulankan guusha ku qaadatay 6-0 cayaartan oo ka dhacday garoonka Etihah waxayna Man City si xu ugu dur durisay QPR oo haatan si rasmi ah heerka labaad ugu laabatay.
Sergio Aguero ayaa sedexleyda dhaliyay daqiiqadaha kala ah 4′, 50′, 65-aad weliba goolkiisi u dambeeyay wuxuu ahaa gool ku laad.
Aguero haatan qof ku heesto malahan gool dhalinta EPL madaama uu leeyahay 25-gool wuxuuna 5-gool ka sareeyaa xidiga kusoo xigo oo ah Harry Kane ayado ay horyaalka ka harsan labo kulan oo qura.
Dhanka kale Aleksandar Kolarov ayaa kooxdiisa Man City u dhigay rikoor gaar ah madaama uu noqday cayaaryahankii ugu horeeyay oo 4-gool ku laad dhaliyo asigoo xiran maaliyada Man City.

Aleksandar Kolarov laadka xorta ah ee uu QPR ka dhaliyay wuxuu dhanka iskoorkan kala ekaaday Yaya Toure oo isagana 4-laad xor ah horey u dhaliyay halka Michael Tarnat uu isagana 3-laad xor ah u dhaliyay City.
Goolasha damaashaadka ee Man City ku badisay waxaa sidoo kale ka qayb qaateen James Milner iyo David Silva oo sidoo kale min hal gool dhaliyeen kulankan kusoo idlaaday 6-0 oo ay City guusha ku raacday.