Home » Maxaa Cusub » Sergio Aguero Oo Shuruud Adag Ku Xiray Bixitaankiisa Man City

Sergio Aguero Oo Shuruud Adag Ku Xiray Bixitaankiisa Man City


Sergio

Weeraryahanka xulka Argentina Sergio Aguero ayaa meesha ka saaray inuu kooxdiisa Man City isaga tagi doono wuxuuna laacibkan ka dhawaajiyay inuu garoonka Etihad baaqi kusii ahaan doono ilaa Man City kaga guuleesaneyso koobka horyaalada Yurub!

City xili cayaareedkan waxay qarka u saran tahay inay gabi ahaanba koobka horyaalada Yurub isaga harto waxayna kooxdan 5-sano ee ugu dambeesay 4-ka mid ah ku hartay wareega hore ee koobka Yurub.

Balse Aguero ayaa ka balan qaaday taageerayaasha Man City inuu la qeybsan doono xanuunka ay ku qabaan tartanka Yurub ugu qiimaha badan.

“Halkan waxaan sii joogi doonaa 4-sano ee iiga dhiman qandaraaskeyga taasi oo ka dhignaan doonto inay 8-sano Etihad joogay balse ma bixin doono ilaa aan Champion-ka kooxdeyda Man City kaga qaado!”

Laacibkan tayada wanaagsan ayaa geeska difaacay macalinkiisa Manuel Pelligrini oo haatan loo badinaa in xilka City laga xayuubin doono wuxuuna yiri “Wey sahlan tahay hadii kooxda uu fashil ku yimaado in macalinka eeda duusha looga tuuro”

“Balse xaqiiqada midaas ma ahan waayo dhamaanteena ayaa sabab u ah inaan tartanka Yurub fashil joogto ah kala kulano ee macalinka si gaar ah looguma eedeyn karo”

Ugu dambeyntii Aguero ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa xili cayaareedkan koob muhiim ah ku guuleesan karto wuxuuna xusay in City ay difaacan karto Premiership-ka England.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>