Weeraryahanka kooxda Manchester City Sergio Aguero ayaa wali aaminsan in kooxdiisa ay ku guuleysan karto horyaalka isla markaana difaacan karto xili ay kaalinta afaraad ku jirto.
Sadex guuldaro oo soo gaartay shantii kulan ee ugu dambeysay, iyo kaliya afar guul oo ay gaareen 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ayaa ka dhignaatay iney ka hoosmarto kooxaha Chelea, United iyo Arsenal iyadoo fadhisa booska afaraad.
Chelsea ayey ka hooseyaa sagaal dhibcood walow kooxda Jose Mourinho ay wali heystaan kulan baaqi ah saadaasha ugu badana ayaga loo saadaliyay ku guuleysiga tartanka.
Si kastaba City ayaa Axada wajaheysa United, waana kulanka Manchester Derby, balse Aguero ayaan wali ka quusan ku guuleysiga horyaalka.
“Dabcan wali waan ku guuleysan karnaa horyaalka” Ayuu Aguero u sheegay Sky Sports News
“Kuabda cagta wax walba ayaa ka dhici kara, goor dhaw ayey dhici kartaa sida aan ku fakarayo, wax walba ayaana isbadali kara, wax badan ayaan horay u aragnay mar kale ayaana arki doonaa” ayuu yiri Aguero.
“Waa inaan isku daynaa inaan kulan walba oo noo haray badino isla markaana cadadis saarno Chelsea”
Ugu dambeyntiina Aguero ayaa hoos u dhac uu ku yimid isagoon shabaqa soo taaban shantii kulan ee ugu dambeysay horyaalka.