Home » Horyaalada » La Liga Spain » Sergio Busquets Oo Shaki La Galinayo Inuu Safto Kulanka Man City Ee Lugta Labaad Champions League-ga

Sergio Busquets Oo Shaki La Galinayo Inuu Safto Kulanka Man City Ee Lugta Labaad Champions League-ga


Busquets

Burburiyaha kooxda Barcelona Sergio Busquets ayaa shaki la galinayaa inuu safto kulanka lugta labaad wareega 16-ka tartanka Champions League-ga oo ay kooxdiisa Camp Nou kula ciyaari doonto kooxda Manchester City.

Busquets ayaa laga saaray ciyaartii xalay ay kooxdiisa 3-1 ku xaaqday Villarreal lugta labaad Copa Del Rey kadib markii dhaawacaan uu soo gaaray.

26-jirkaan heerka caalami kaas oo dhawaan saxiixay heshiis afar sano ah ayaa tijaabo la marsiin doonaa maanta si loo ogaado xadiga uu gaarsiisan yahay dhaawaciisa.

Luis Enrique wiilashiisa ayaa gacanta sare leh marka ay timaado in qiimeyn lagu sameeyo cida usoo gudbi karta wareega quater finalka, marka la fiiriyo natiijada kulankii hore iyo halka uu kulankaan ka dhici doono.

Si kastaba Busquets oo ah xidig uusan badneen dhaawaciisa ayaa dhaawacan wuxuu xalay kasoo gaaran canqawga, mana cada mudada uu maqnaan doono.

Ugu dambeyntii Barcelona ayaa iska xaadirisay finalka koobka Boqorka kadib guushii Villarreal iyagoo wajahi doona Atletico Bilbao.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>