Home » Maxaa Cusub » Sergio Kun Aguero Muxuu Ka Yiri Wararka Xanta Ah Ee La Xiriiirinaya Kooxda Real Madrid?

Sergio Kun Aguero Muxuu Ka Yiri Wararka Xanta Ah Ee La Xiriiirinaya Kooxda Real Madrid?


Aguero

Hadal heynta ugu badan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda waxaa qeyb ka ah Sergio Kun Aguero kaas oo si ba’an loola xiriirinayo kooxda Real Madrid oo xidigaan mudo badan ku raad joogtay balse xidiga reer Argentina ayaa jawaab waafi ah siiyay Madrid.

Warar ay saakay qoreen warbaahinta Spain ayaa sheegayay in Florentino Perez xidigaha uu suuqa ka doonayo uu ugu horeeyo Sergio Aguero.

Balse 27-jirkaan kaas oo ku guuleystay xagaagii dhamaaday kabta dahabka gooldhalinta horyaalka Ingiriiska ayaa aad ugu faraxsan nolosha magaalada Manchester.

Aguero ayaa ahaa shaqsigii in ka badan 40-sano kadib gacanta u galiyay horyaalkii ugu horeeyay Man City markii uu waqtigii dhimashada gool ay koobkaas ku hanteen shabaqa dhex dhigay, balse horyaal kale ayuu si raaxo leh kula guuleystay waxeyna aheyd riyadiisa ugu weyn inuu Sky Blue koobab la qaado.

“Ma Joojin karo xanta, mana joojin karo dadka waxyaalaha ay soo qorayaan, balse waan ku celinayaa wixii aan horay u iri, taasna waxey tahay inaan ku faraxsanahay Manchester City” Ayuu yiri Aguero.

“Guul ayaan ku gaaray afartii sano ee aan halkaan joogay, walina baahi weyn ayaan qabaa, dabcan EPL-ka waa muhiimada ugu weyn waana inaan kusoo rogaal celinaa, balse riyadeyda iigu weyn waa inaan ku guuleysto Champions League anigoo ku sugan City”

Ugu dambeyntii heshiiska uu Aguero kula jiro Manchester City wuxuu dhamaanayaa June 2019, wuxuuna 2011 kaga soo biiray Atletico Madrid.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>