Home » Europe » Champions League » Seydou Keita Oo Ka Hadlay Finalka Champions League-ga: “Maba Ahan In La Is Daaliyo, Waana La Ogyahay In Barcelona Ay Garaaci Doonto Juventus”

Seydou Keita Oo Ka Hadlay Finalka Champions League-ga: “Maba Ahan In La Is Daaliyo, Waana La Ogyahay In Barcelona Ay Garaaci Doonto Juventus”


as-roma-s-keita-heads-the

Xidiga khadka dhexe kooxda As Roma Seydou Keita ayaa aaminsan in natiijada kasoo bixi doonta finalka koobka horyaalada yurub ay tahay mid sii qoran oo la wada ogyahay.

Barcelona iyo Juventus ayaa isku arki doona finalka koobka Champions League-ga kaas oo 6-da June ka dhici doona magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.

“Barcelona aad ayey u xoogan tahay aniga ahaan waxaan aaminsanahay iney tahay koox ka fiican Juventus” Ayuu Keita u sheegay Mundo Deportivo.

“Hadii Leo Messi uu qaab fiican ku jiro waxey ka dhigan tahay iney ciyaarayaan laba koox oo kala badan, wax walba isaga ayey ku xiran yahiin, waana midka go’aamin kara kulanka”

“Yaa Guuleysan doona? waa sheeko horay loo qoray, Barcelona wey garaaci doontaa Juventus. wax daciifnimo ah kama jirto daafaca sidoo kalana farsamol ahaan wey ka sareeyaan”

Si kastaba xidigii hore Barcelona Keita ayaa taageero buuxda u muujiyay kooxdisii hore, inkastoo sidoo kale uu Juve kula xifaaltamo horyaalka Serie A-da madama uu u ciyaaro Roma.

Ugu dambeyntii saadaasha ugu badan ee la bixinayo waxey sheegeysaa in Barcelona ay ku tuman doonto kooxda Juve, balse la arki doonee halka ay sheekadu kusoo dhamaado.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to Seydou Keita Oo Ka Hadlay Finalka Champions League-ga: “Maba Ahan In La Is Daaliyo, Waana La Ogyahay In Barcelona Ay Garaaci Doonto Juventus”

  1. maxamed c/dale Reply

    25-May-2015 at 8:47 am

    barc 4 juventus 1

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>