Home » Maxaa Cusub » Shaqada Manuel Pellegrini Ee Manchester City Oo Shuruud Lagu Xiray, Hadaba Maxey Tahay?

Shaqada Manuel Pellegrini Ee Manchester City Oo Shuruud Lagu Xiray, Hadaba Maxey Tahay?


Pellegrini

Tababaraha reer Chile ee leyliya kooxda Manchester City ayaa la siiyay fursad uu ku badbaadiyo shaqadiisa inkasatoo uu saaran yahay cadaadis aad u fara badan.

Sida ay qirtay Sunday People  warar laga helayo xerada tababarka Manchester City ayaa sheegaya in milkiilayaasha carbeed ay ka doonayaan Pellegrini inuu ku dhameesto ugu yaraan kaalinta labaad waa hadii uu doonayo inuu shaqadiisa sii wado xili ciyaareedka dambe.

Kooxda Manchester City ayaan waxba u jirin iney lumiso booskeeda labaad iyadoo dhibic iyo laba dhibcood u jirta boosaska sadexaad iyo afaraad.

Manchester City waxaa lala xiriirinayaa Pep Guardiola iyo Carlo Ancelotti kuwaas oo ka mid ah macalimiinta ugu fiican dunida kubada cagta waqtigaan.

Ugu dambeyntii 8-kulan ayaa u haray Pellegrini inuu ku badbaadiyo shaqadiisa kulanka ugu adagna wuxuu la yeelan doonaa dhawaan Manchester United.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>