Barcelona ayaa shaacisay maaliyad cusub oo ay ku ciyaari doonto kulanka ugu dambeeya horyaalka La Liga oo ay Garoonka Santiego Bernabeu kusoo dhaweyn doonto kooxda Deportivo La Coruna.
Kulankaan waa midkii ugu dambeeyay oo uu safto halyeeygooda Xavi Hernandez kulan ay Barca ku ciyaareyso garoonka Camp Nou, madama uu shalay oo khamiis aheyd ku dhawaaqay inuu ka tagi doono kooxda marka uu dhamaado xagaagan kadib 24-sano oo uu ku sugnaa Catalunya.
Maaliyadaan kama muuqaal duwana maaliyada ay xili ciyaareedkaan oo dhan ku ciyaareysay kulamada horyaalka kaliya waxaa lagu kordhiyay qoraal ay kooxda ku macsaleemeyneyso Xavi Hernandez.
“Gràcies Xavi – 23 maig 2015″ ayaa ku qoran xabadka maaliyadda taasoo u dhiganta “Mahadsanid Xavi” iyagoo uga mahad celinaya waqtigii quruxda badnaa oo uu kooxda lasoo qaatay, waxaana qoraalkaas uu ku qoran yahay inta u dhaxeysa calaamadda Nike iyo astaanta kooxda.
Xavi inuu maaliyada Barcelona waxaa kaga dhiman marka laga tago kulankaan Deportivo kulamada finalka Coppa Del Rey iyo Finalka Champions League-ga oo ay lakala ciyaari doonto Athletic Bilbao iyo Juventus.