Luke Shaw iyo Fraser Forster ayaa laga saaray xulka Ingiriiska ee la ciyaari doona Lithuania iyo talyaaniga kadib dhaawacyo soo gaaray, macalin Roy Hodgson ayaana wacay sadex xidig oo badalkooda gali doona.
Daafaca Manchester United Luke Shaw ayaa markii hore lagu daray liiska balse xanuun kusoo laba kacleeyay darteed waa laga saaray waxaana wali dhanka bidix uu Hodgson u heystaa Baines iyo Gibbs.
Inkastoo uusan u diyaarsaneen inuu tartamo hadana Danny Rose ayaa lagu soo daray liiska xulka qaranka Ingiriiska, sidoo kale Hodgson ayaa liiskiisa kusoo daray labada goolhaye ee Robert Green oo u qabta QPR iyo goolhaye Jack Butland kaas oo ka tirsan Stoke.
Si kastaba xulka Ingiriiska ayaa la ciyaari doona Lithuania kulan ka tirsan isreeb-reebka Euro 2016 kaas oo ka dhici doona Wembley, iyagoo afar maalin kadib talyaaniga marti u noqon doona.