Kabtan Steven Gerard ayaa kusoo bilaawday kulankan wuxuu cayaari doonaa Merseyside Derby midkiisii ugu dambeeyay.
Sidaa darteed macalin Rodgers ayaa farxad galiyay Gerrard madaama uu fursad u siiyay inuu Reds kulankan taariikhiga u hogaamiyo.
Sidoo kale tababare Rodgers wuxuu si lama filaan ah kulankan ugu soo bilaabay xidiga dhalinta yar Jordan Ibe wuxuuna 19-jirkan badalay Lazor Markovic oo dhaawac fudud qabo.
Daniel Sturridge ayaa isagana kursiga keydka fadhiyo madaama weli xidigan xaaladiisa la ilaalinaayo.
Dhanka Everton macalin Martinez wuxuu kulankan kusoo bilaabay daafaca garabka bidix Bryan Oviedo oo mudo sanad ka badan Line Up-ka Everton lagu arkin.
Guud ahaan hoos kaga bogo shaxda ay labadan naadi kusoo gali doonaan Merseyside Derby:
Everton XI: Joel, Oviedo, Jagielka, Stones, Coleman, Besic, Barry, McCarthy, Mirallas, Naismith, Lukaku.
Liverpool XI: Mignolet, Can, Skrtel, Sakho, Lucas, Henderson, Gerrard, Moreno, Ibe, Coutinho, Sterling.