Home » Maxaa Cusub » Sheeko Cusub: FBI-da Mareykanka Oo Baaritaan Ku Sameyn Doonta Sepp Blatter Kadib Is Casilaadiisa Gudoonka Sare ee FIFA

Sheeko Cusub: FBI-da Mareykanka Oo Baaritaan Ku Sameyn Doonta Sepp Blatter Kadib Is Casilaadiisa Gudoonka Sare ee FIFA


Blatter invistage

Madaxweynaha talada FIFA kasii dagaya ee Sepp Blatter ayaa la kulmi doona baaritaan ay ku sameyso FBI-da mareykanka sida ay xaqiijisay Goal.com

Blatter ayaa ku dhawaaqay inuu gudoonka sare ee FIFA ka tagi doono talaadadii kadib shan maalmood oo uu hayay talada xili markii shanaad loo doortay.

Si kastaba haatan Maxkamadda Cadaaladda Mareykanka ayaa amartay in baaritaan lagu sameeyo Sepp Blatter oo an ka mid aheyn shaqsiyaadkii markii hore lagu eedeeyay musuqmaasuqa iyo is daba marinta lacag badn oo la lunsaday 25-kii sano ee lasoo dhaafay.

Xubnahii la xir-xiray ee ka koobnaa 14-ka waxaa ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenkii Jeffrey Webb iyo madaxweynahii hore xiriirka Brazil Jose Maria Marin.

Baaritanka sidoo kale waxaa soo gali doona sababahii keenay in koobka Aduunka 2018 iyo 2022 loogu doortay dalalka Russia iyo Qatar martigalinta.

Ugu dambeyntiina Madaxweynaha badali Doona Sep Blatter waxaa la dooran doonaa inta u dhaxeysa December 2015 ilaa March 2016.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>