Home » Europe » Champions League » Sheeko Cusub Marwalbo Oo Uu Karim Benzema Gool U Dhaliyo France Xulkan Guusha Ayay Qaataan

Sheeko Cusub Marwalbo Oo Uu Karim Benzema Gool U Dhaliyo France Xulkan Guusha Ayay Qaataan


424490_heroa

Ka hor kulanka caawo dhex mari doono xulalka France iyo Brazil kaasi oo ka dhici doono garoonka Stade de France waxaa daaha laga qaaday arin xiiso badan.

Kaasi oo ah marwalbo oo uu Karim Benzema gool u dhaliyo xulkiisa France inay guusha qaataan waana arin cajiib ah sidoo kalena xidigan rikoor u gaar ah ayaa u yaalo.

Benzema xulkiisa France wuxuu u dhaliyay 25-gool asigoo u saftay 77-kulan waxaana xusid mudan habeenkii uu xulkiisa gool u dhaliyo in xulka Les Blues ay guusha qaataan!

Benzema kulankii ugu horeeyay ee uu xulka France u saftay 28 March 2007, wuxuu dhaliyay halkii gool oo ay France kaga badiyeen xulka Austria kulan saaxiibtinimo.

Hadaba xulka Brazil caawo waxay qabaan walaac xoogan hadii uu gool ka dhaliyo in xulka Koonfur Ameerika dhagta dhiiga loo daro ayaa laga cabsi qabaa waayo Benzema oo maaliyada Buluuga wato hadii uu gool dhaliyo France guusha ayay qaataan.

Waxaa kalsoo xusid mudan in 4-sano ka hor markii ay France iyo Brazil kulmeyn kulankan uu kusoo idlaaday 1-0 waxaana goolkaas dhaliyay Benzema!

Hadaba hoos kaga bogo 25-gool ee uu Benzema xulkiisa France u dhaliyay iyo guulaha uu gaarsiiyay:

France 1-0 Austria, cayaar saaxiibtinimo – 1 gool

Faroe Islands 0-6 France, Isreeb reebka UEFA EURO 2008– 2 gool

Sweden 2-3 France, cayaar saaxiibtinimo – 1 gool

France 3-1 Tunisia, cayaar saaxiibtinimo – 1 gool

France 1-0 Turkey, cayaar saaxiibtinimo – 1 gool

France 5-0 Faroe Islands, Isreeb reebka 2010 FIFA World– 1 gool

France 3-1 Austria, Isreeb reebka 2010 FIFA World– 1 gool

Bosnia and Herzegovina 0-2 France, Isreeb reebka UEFA EURO 2012– 1 gool

France 2-0 Luxembourg, Isreeb reebka UEFA EURO 2012– 1 gool

England 1-2 France, cayaar saaxiibtinimo – 1 gool

France 1-0 Brazil, cayaar saaxiibtinimo – 1 gool

Albania 1-2 France, Isreeb reebka UEFA EURO 2012– 1 gool

France  4-0 Estonia, cayaar saaxiibtinimo – 2 gool

France 6-0 Australia, cayaar saaxiibtinimo – 1 gool

France 3-0 Finland, Isreeb reebka 2014 FIFA World Cup – 1 gool

France 3-0 Ukraine, Isreeb reebka 2014 FIFA World Cup play-off – 1 gool

France 2-0 Netherlands, cayaar saaxiibtinimo – 1 gool

France 8-0 Jamaica, cayaar saaxiibtinimo – 2 gool

France 3-0 Honduras, Koobkii aduunka 2014– 2 gool

Switzerland 2-5 France, Koobkii aduunka 2014– 1 gool

France 2-1 Portugal, cayaar saaxiibtinimo – 1 gool

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>