Home » Maxaa Cusub » Sheeko Cusub: Sterling Oo Liverpool Sii Joogi Doono Hadii Tababare Klopp Hogaanka Reds Loo Dhiibo

Sheeko Cusub: Sterling Oo Liverpool Sii Joogi Doono Hadii Tababare Klopp Hogaanka Reds Loo Dhiibo


Sterling a

Inkastoo Raheem Sterling uu labo todobaad ka hor ka dhawaajiyay inuu garoonka Anfield xagaagan isaga tagi doono hadana xidigan dhalinta yar ayaa diyaar u ah inuu go’aankiisa badalo.

Balse waa hadii macalin Jurgen Klopp hogaanka Liverpool lagu wareejiyo waxayna midaan ka dhigan tahay in Sterling uu hogaanka macalin Rodgers dhibsaday balse uusan necbeyn inuu kooxdiisa Liverpool lasii joogo.

Wargeska The Sun ayaa sheegay in Raheem Sterling uu ka war sugi doono mustaqbalka kooxdiisa Liverpool halka uu ku dambeyn doono hadii maamulka Reds ay go’aansadaan inay xilka ka qaadaan tababare Rodgers sidoo kalena lagu badalo Klopp xidigan dhalinta yar diyaar ayuu u yahay inuu kooxdiisa heshiis cusub u saxiixo.

Macalin Jurgen Klopp maalmihii ugu dambeesay wuxuu wada hadalo kula jiray kooxda Liverpool balse wax hormar ah lagama gaarin wada hadaladaas madaama macalinkan uu diiday inuu arinkan ka hordhaco inta xilka laga qaadayo tababare Rodgers.

Liverpool maalmulkeeda xagaagan shaqo culus ayaa u taalo taasi oo ah inay macalin Rodgers xilka ka qaadaan ama ay waayaan xidigooda dhalinta yar Raheem Sterling.

Sidoo kalena taageerayaasha Liverpool waxay isku raaceen 95% ayadoo codgooda ku dhiibteen wargeska The Mirror in Rodgers kooxda laga racadeeyo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>