Talaadada nagu soo fool leh waxaa kulan saaxiibtinimo oo xiiso leh dhex mari doonaa xulalka Argentina Vs Portugal waxayna labadan xul ku wada cayaari doonan garoonka Old Trafford ee kooxda Man United leedahay.
Madaama Portugal uu kabtan u yahay Cristiano Ronalka halka Argentina oo iyagana hormuud u yahay Lionel Messi waxaa la filaayay in labadan xidig ay taageerayaal farabadan kulankan kusoo jiidan doonaan.
Waayo Messi iyo Ronaldo haatan waa labada xidig ee aduunka ugu wanaagsan balse hankii laga qabay inay kulankan xiisaha badan taageerayal farabadan Tikitkiisa iibsadaan ma aysan dhicin!
Nasiib xumo ilaa haatan 15,000 oo tikit ayaa la iibsaday wuxuuna garoonka Old Trafford qaadaa xad ahaan 75,731 tani waxay ka dhigan tahay 80% garoonka Old Trafford uu habeenka Talaadada nagu soo fool leh faaruq ahaan doono!!
Qiimaha Tikita lagu iibsanaayo ayaa ah £40 wuxuuna Leo Morales oo ah madaxa qaban qaabiyaasha kulankan saaxiibtinimo la yaaban yahay halka ay wax ka qaldan yihiin wuxuuna yiri .
“Ma garan karo ilaa haatan sababta aan tikit badan u iibin weynay inkastoo kulankan ay cayaari doonaan labada xidig ee aduunka ugu wanaagsan!”
Wararka ayaa intaas ku daraayo in gudiga qaban qaabada kulankan saaxiibtinimo ay ku talo jiraan hoos u dhigaan qiimaha kulankan lagu daawanaayo si dad badan ay haatan u iibsadaan Tikityada baaqiga ah.