Home » Maxaa Cusub » Sheeko Xiiso Badan Naadiga PSG Oo Qaab Amaah Ku Dooneyso Angel Di Maria

Sheeko Xiiso Badan Naadiga PSG Oo Qaab Amaah Ku Dooneyso Angel Di Maria


Angel Di Maria

Kooxda PSG ayaa si gaar ah u xiiseyneso inay xagaagan heshiis ku meel gaar ah la gaarto xidiga reer Argentina Angel Di Maria ee ku fashilmay garoonka Old Trafford.

PSG qorshaheeda wuxuu yaha in xili cayaareedka 2015/16 qaab amaah ah lagu siiyo Di Maria hadii uu anfacana ay sanadka dambe si toos ah u iibsato.

Wargeska The Sun ayaa sheegay in PSG ay bixin doonto qayb ka mid ah mushaaraadka Di Maria oo lagu sheegay £6 million sidoo kalena ay xidigan boos joogto ah diyaar ul tahay.

The Sun ayaa sheegay in dalabkan kooxda Man United aysan ka jawaabin sidoo kalena uu macalin Van Gaal arinkan aqbali doono ama diidi doono marka uu soo idlaado xili cayaareedkan oo haatan gabo gabo  ku dhow.

Man United bilawgii xili cayaareedkan ayay Angel Di Maria kusoo iibsatay £59 million waxaana lagu han weynaa inuu kooxdan awood dheeraad ah kusoo kordhin doono.

Balse xidigan ayaa la qabsan waayay kubada EPL laga cayaaro haatana wuxuu keyd ka noqday kooxdiisa sidoo kalena mustaqbalkiisa cayaared cago badan kuma tagno.

Naadiga PSG waagii uu Di Maria ka tirsanaa Real Madrid marar badan ayay saxiixiisa ku guul dareestay balse haatan waxay dooneysaa inay xidigan jah wareersan inay qaab amaah ah ku qaadato.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>