Kooxda Real Madrid ayaa ku wargalisay macalin Rafa Benitez inuu miisaankiisa yareeyo ka hor inta uusan xili cayaareedka cusub 2015/16 bilaabanin.
Gudoomiyaha Real Madrid Florentino Perez ayaa doonayo Rafa Benitez inuu cayilka saaran iska yareeyo sidoo kalena iska dhigo qof soo jiidasho leh si qaar ka mid ah taageerayaasha aysan u aflagaadeynin.
Bilawgii bishan June ayuu Rafa Benitez heshiis 3-sano ah Real Madrid u saxiixay asigoo badalay macalin Carlo Ancelotti balse shaqada ugu horeyso ee uu qaban doono ayaa noqon doonto inuu miisaankiisa lumiyo iskana dhigo qof jir ahaan dhisan ama caato ku dhow.
Macalin Benitez ayaa bilaabay qorshahan wuxuuna haatan sameeyaa tababar dheeri ah sidoo kalena dhaqaatiir inuu la tashto ayuu bilaabay si uu u xadido cunada uu qaadanayo.
Macalinkan waaya araga ah ayaa doonayo inuu Real Madrid dib ugu soo celiyo wadada guusha madaama xili cayaareedkii dhawaa kooxda reer Spain aysan wax koob ah ku guuleesanin.
Dhanka kale tababare Benitez ayaa kalsooni buuxdo Grathe Bale siin doono wuxuuna xidigan ka balan qaaday inuu booskii uu doono xili cayaareedka dambe ka cayaarsiin doono.
Iskaashiga Benitez iyo Bale ayaa kusoo beegmayo xili la sheegay in Cristiano Ronaldo uusan faraxsaneyn lagana yaabo inuu xagaagan ka dalbado kooxdiisa Real Madrid inay iska fasaxdo.