Home » Horyaalada » Bundesliga » Sheeko Xiiso Badan: Xidigo Dhalin Yar Oo Lala Bar Dhigay Shaqsiyaad Kubada Caan Ku Ah Iyo Wixii Qabsaday

Sheeko Xiiso Badan: Xidigo Dhalin Yar Oo Lala Bar Dhigay Shaqsiyaad Kubada Caan Ku Ah Iyo Wixii Qabsaday


Bojan

Inta badan laacib marka uu masraxa kubada cagta kasoo iftiimo waxaa lala bar bar dhigaa halyee kubada cagta kaga horeeyay oo ay isku qaab kubada  u cayaaraan.

Sidaa darted waxaan idiin heynaa xidigo ayagoo dhalin yar culees xoogan la saaray madaama lala bar bar dhigay halyeeyaal kubada cagta heer sare ka gaareen, natiijadana waxay noqotay inay xidigahas fashilmaan.

Inkastoo xidigahaas ay dadaal sameeyeen hadana waxay ku fashilmeen inay gaari waayaan ama la mid noqdaan laacibiintii lala bar bar dhigay.

Hadaba hoos kaga bogo xidigo ayagoo dhalin yar lala bar bar dhigay shaqsiyaad kubada can ku ah balse fashil ku la kulmeyn:

Franco Di Santo ‘The New Maradona':Sanadii 2008 ayuu Chelsea ku biiray asigoo dhalin yar balse rajadii laga lahaa iyo bar bar dhigii lagu mataalay Maradona wuu ku guul dareestay haatana wuxuu ka tirsan yahay naadiga Werder Bremen.

Bojan Krkic 'The New Messi'

Bojan Krkic ‘The New Messi': haatan waa 24-jir welina ma helin naadi uu ku xasilo wuxuuna ka tirsan yahay kooxda Stoke City.

Freddy Adu 'The New Pele'

Freddy Adu ‘The New Pele': asigoo 14-sano jiro ayaa lagu tilmaamay Pele-ga cusub balse marnaba magaciisa sare uma kicin haatan waa 25-jir wuxuuna ka tirsan yahay naadiga FK Jagodina ee ka dhisan dalka Serbia.

Scott Sinclair 'The New Thierry Henry'

Scott Sinclair ‘The New Thierry Henry': Nasiib xumo si wanaagsan ayuu kubada kusoo galay balse haatan Man City kursigeeda keydka ayaa lagu iloobay.

Bruno Cheyrou 'The New Zidane'

Bruno Cheyrou ‘The New Zidane':  Laacibka reer France xagaagii 2002 ayuu Liverpool kuso biiray balse marnaba kuma guuleesanin inuu wacdarihii laga filaayay dhigay. Haatan waa koox la’aan.

Ricardo Quaresma 'The New Figo'

Ricardo Quaresma ‘The New Figo': Markii uu Barcelona ku biiray xidigan waxaa lagu tilmaamay Figo-cusub, balse fashil weyn ayaa xidigan ku habsaday ilaa uu ka cayaaro dalka Isku Taga Emirate-ka Carabta, haatana FC Porto ayuu ka tirsan yahay asigoon marnaba u dhawaanin heerka Figo.

Douglas Costa 'The New Ronaldinho'

Douglas Costa ‘The New Ronaldinho':  Xidigan wuxuu Yurub yimid sanadii 2010 asigoo xambaarsan halqabsiga ah inuu yahay Ronaldinho-cusub yahay, balse 4-sano oo uu ka tirsan yahay kooxda Shakhtar weli sare u kac ma sameynin.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>