Halyeeyaashii kubada cagta heerkii ugu sareeyay ka gaareen Andriy Shevchenko iyo Oliver Kahn ayaa codkooda ku taageereen goolhayaha xulka Jarmalka iyo naadiga Bayern Munich Manuel Neuer uu sanadkan ku guuleesto abaal marinta FIFA Ballon d’Or.
Andriy Shevchenko oo kaalinta 3-aad ka galay sanadii 2004 abaal marintan ayaa aaminsan in haatan Neuer uu ka mudan yahay Messi iyo Ronaldo wuxuuna yiri “6-sano ee ugu dambeesay dunida labo cayaaryahan ayaa ka talinayeen sidoo kalena abaal marinta d’Or qeebsadeen”
“Balse sanadkan Manue Neuer ayaa in badan ka mudan Messi iyo Ronaldo madaama uu koobka aduunka xulka Jarmalka u qaaday”
Halyee Oliver Kahn oo isagana kaalinta 2-aad ka galay sanadii 2002 abaal marintan ayaa aragtidisa ka dhiibtay wuxuuna yiri “Neuer ma ahan goolhaye oo kaliya balse waa difaac iyo kubad qeybiye sidoo kalena heerkiisii ugu sareeyay ayuu taagan yahay”
“Laga soo bilaabo 2009 ilaa haatan sanad walbo hormar ayuu ku tilaabsanaayay waxaana aaminsanahay in sanadkan uu yahay shaqsiga kowaad ee mudan in la siiyo Ballon d’Or”
Abaal marintan sanadii 1963 ayaa ugu dambeesay goolhaya la gudoonsiiyo waxaana xiligaas ku guuleestay goolhayihii Midowga Soviet Lev Yashin.
Hadaba Neuer sanadkan maku guuleesan doonaa abaal marinta ugu sareyso ee uu xidig walbo ku riyoodo inuu mar un hanto mustaqbalkiisa cayaareed!