Kooxda Liverpool ayaa kaliya lasoo saxiixan karta Asier Illarramendi hadii Real Madrid ay lasoo saxiixato geesiga Portugal William Carvalho sida ay shaacisay Daily Mail.
Warkaan ay qortay Daily Mail waxuu u xun yahay Arsenal oo 32 Malyan Oo Pound ku baadi goobeysa William Carvalho.
Hadii Madrid ay gacanta kusoo dhigto saxiixa William Carvalho oo aad loogu amaanay bandhigii uu kasoo bandhigay koobka Euro U 21 waxey sahleysaa in Madrid ay ka samarto Asier Illarramendi isla markaana ay u ogolaato inuu ka tago Bernabeu.
Dhanka kale Branden Rodgers ayaa aad ula dhacsan tayada Asier Illarramendi kaas oo aan qaab ciyaareed fiican soo bandhigin tan iyo markii uu Real Sociedad kaga soo biiray kooxda Los Blancos, wuxuuna doonayaa inuu ku xoojiyo khadka dhexe.
Si kastaba in Liverpool ay hesho Asier Illarramendi waxey ku xiran tahay shuruuda ah in William Carvalho uu ka dago magaalada Madrid.