Macalin Luis Van Gaal dadaal xoogan wuxuu ugu jiraa inuu dhiso koox awood badan oo aan la loodin karin.
Tababarahan waaya araga ah ilaa haatan Man United wuxuu kusoo kordhiyay labo saxiix oo kala ah Memphis Depay iyo Matteo Darmain sidoo kalena Bastian Schweinesteiger ayaa kusoo xiga.
United dadaalkeeda intaas kumo eko waxayna ku raad joogtaa xidigo badan oo aad u tayo wanaagsan sidoo kalena qaarada Yurub caan ka ah.
Hadaba hoos kaga bogo Line Up-ka Man United sida uu noqon doono xili cayaareedka cusub 2015/16 hadii ay gacanta kusoo dhigto saxiixyada ay ku raad joogto:
Goolhaye: Jasper Cillessen
Daafaca: Matteo Darmian, Nicolas Otamendi, Sergio Ramos, Luke Shaw
Khadka dhexe: Morgan Schneiderlin, Bastian Schweinsteiger, Ander Herrera
Weerarka: Memphis Depay, Angel Di Maria, Wayne Rooney