Qoraaga caanka ah ee Paul Merson kaas oo ka tirsan Sky Sports ayaa aragtidiisa ka dhiibtay kooxda xili ciayareedka ugu wanaagsan horyaalka Ingiriiska ee dhawaan la magacaabay, inkastoo aan la dhaleeceyn qaabka ay FA-ga wax u doorteen xagaagan hadana Paul Merson ayaaba qaba fikir aad uga duwan midka FA-ga.
Kaliya, Harry Kane, Sanchez iyo De Gea ayuu ka waafaqay shaxdii ay FA-ga magacaabeen wuxuuna kusoo daray liiska xidigo xili ciyaareedkaan muuq beelay sida: Kompany, Dann, Baines, Silva iyo Rooney kuwaas oo aan waxqabad fiican la imaan xagaagan.
Paul Merson wuxuu sidoo kale shaxdiisa kusoo daray kabtanka labaad ee Liverpool Jordan Henderson sidoo kalana wuxuu kasoo xushay naadiga Burnley Kieran Trippier.
Shaxda Paul Merson Ee Horyaalka Ingiriiska:
De Gea; Baines, Dann, Kompany, Trippier; Carrick, Henderson; David Silva, Wayne Rooney, Sanchez; Harry Kane