Madaxweynaha kooxda Milan Silvio Berlusconi ayaa hurdada ka kiciyay kumanaan Jamaahiir Milan ah kuwaas oo ku daalay fiirsiga kooxda sii dhimaneysa, kadib markii uu u sheegay in Ancelotti uu dib ugu soo laaban doono garoonka Sansiro.
Warbixino badan oo ka imaanayay talyaaniga ayaa sheegaya in Madrid ay burburin doonto heshiiska ay kula jirto Ancelotti iyadoo ka ceyrin doonta kooxda, waxaana ugu cad-cad inuu badalo Rafael Benitez.
Berlusconi ayaa ka dhawaajiyay in hadii Madrid ay fasaxdo Ancelotti uu dib ugu soo laabanayo magaalada Milan isagoo dib u maamuli doona kooxda ka dhisan garoonka Sansiro oo uu maalmo dahabi ah la qaatay.
“Waxey ila tahay inuu dib noogu soo laaban doono, Hadii Madrid ay u ogolaato inuu baxo anaga ayuu noo imaan doonaa” Ayuu yiri Berlusconi oo la hadlayay Napoli TV.
Dhanka kale Berlusconi ayaa xaqiijiyay iney dhowr jeer isku dayeen iney Milan dib ugu soo celiyaan balse ay suuragali weysay, wuxuuna madaxweynaha kooxda qiray in xiririir aad u adag uu ka dhaxeeyo isaga Ancelotti taa badalkeedana uu kooxda caawin doono.
Ugu dambeyntii imaanshaha Ancelotti ee Milan ayaa dhiseysa rajada laga qabo in Horyaalka talyaaniga uu mar kale sare u kac sameeyo.