Home » Horyaalada » italian Serie A » Silvio Berlusconi Oo Sheegay In Kooxdiisa AC Milan Uusan Iibin Doonin

Silvio Berlusconi Oo Sheegay In Kooxdiisa AC Milan Uusan Iibin Doonin


Ac milan

Milkiilaha kooxda AC Milan Silvio Berlusconi ayaa si rasmi ah u sheegay in kooxdiisa aysan beec ahayn haatana Milan magaceeda suuqa Yurub lagu dhex heyn doonin.

Qorshaha wuxuu ahaa in AC Milan uu iibsado ganacsadaha reer Thailand Bee Taechaubol kaasi oo rabay inuu Milan ku gato €1-Bilyan!

Laakiin Berlusconi ayaa u sheegay Mediasat in kooxdiisa aysan beec ahayn haatana Mr. Bee laga iibin doonin isagana uu diyaar u yahay inuu kooxdiisa dib u dhis ku sameeyo.

Wuxuu yiri “Diyaar uma nihin inaan Milan iibino kaliya waxaan rabaa qof nala shaqeesto oo aan saamiga kooxda qayb ka mid ah ka iibino”

“ Aniga iyo qoyskeyga diyaar uma ahan inaan Milan xuquuqdeena iska wareejino waxaana rabnaa inaan Milan kusoo celino maqaamki ay laheyd”

Dabcan hadalka kasoo yeeray Berlusconi ayaa muujinaayo inuu bur buray qorshihii uu Mr. Bee kooxda Milan kula wareegi lahaa milkayadeeda.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>